Thursday, February 27, 2014

Dhageeso"Xisbiga Sinaanta Iyo Cadaalada Ee Tayo Oo Ka Hadlaya Xaalada Xumida Ka Soo Cusboonaatay Caasimada Somaliya Ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Dalka Somalia Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ooo Isagoo Ku Sugan Wadanka Mareykanka Wareysi Gaar Ah Siiyay Idaacada Kulmiye Ee Magaalada Muqdisho Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Xaalada Amaanka Dalka Somalia Iyo Qaabka Ugu Haboon Ee Amniga Caasimada Loo Sugi Karo Isagoo Talooyin U Soo Jeediyay Madaxda Qaranka .
Pro Farmaajo Ayaa Waxaa Uu Uu Sheegay In Dowladda Somalia Qaabka Ay Amaanka U Sugi Karto Kow Ay Ka Tahay In Shacabku Kalsooni Ku Qabaan In Dowladooda Sidoo Kalena Ciidanka Dagaalka Kula Jira Al Shabaab Ay Helaan Kalsooni Ay Ku Dagaalamaan Oo Marka Ay Dhintaan Ay Ogyihiin Ay Qaran Ka Dhinteen Ee Aysan Qabiil Ka Dhiman Askarigii Dhintana Xaquuqdiisa Mel La Saaro Wadaniyadna Ay Ahaato Waxa Lagu Howl Galayo.
Mr Farmaajo Ayaa Waxaa Uu Carabka Ku Dhuftay In Xasilin La.Aanta Dalka Iyo Hor U Socod La,Aanta Dowladda Federaalka Ah Ay Qayb Ka Tahay Somalia Oo Madaxdeedu Balan Qaadyada Ay Sameeyaan Aysan Ka Dhabeyn Ama Aysan Sida Ay U Balan Qaadaan U Fulin Taas Oo Ah Caqabad Taagan Waxaa Uu Ka Codsaday Dowladda Somalia Iyo Shacabka Intaba In Ay Amaanka Ka Wada Shaqeeyaan Amaanka Caasimadana Ay Iska Kaashadaan.
Waxaa Uu Soo Hadal Qaaday Ra.Iisul Wasaarihii Hore Ee Dalka Mudane Farmaajo Magaalada Muqdisho Oo Al Shabaab Ka Baxeen 2011 Kii Bishii August Waxaana Uu Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Farmaajo In Sadax Sano Ka Dib Al Shabaab Ay Muqdisho Awood Soo Saaraan Oo Ay Dilalka Sii Kordhayaan Waxaa Uu Ku Taliyay In Al Shabaab Looga Adkaa Karo In Dhamaan Mas.Uuliyiinta Dowladda Heer Sare Ilaa Heer Hoose In Ay Isku Aqoonsadaan In Ay Yihiin Dad Qaran U Shaqeynaya Ee Aysan Qabiil Ku Joogin Kursiga Hadafka Ah La Dagaalanka Al Shabaabna Ay U Midowdo Umada Soomaaliyeed.

.

RIIX OO DHAGEESO XOGHAYAHA XISBIGA TAYO

No comments:

Post a Comment