Sunday, May 4, 2014

Dhageeso”Xoghayaha Xisbiga Tayo Maxamed C/laahi Farmaajo oo Tacsiyeey Geeridii Ku Ku Timid Xoghayihii Hore Ee Gobalka Banaadir

Xohayaha Xisbiga Tayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Ra’iisalwasaarihii hore ee dalka Somaliya ayaa isagoo kusugan dalka Mareykanka waxa uu ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Xoghayihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir C/Kaafi Hilowle Cusmaan oo shalay lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho.
Farmaajo ayaa sheegay inay isku kuleejo ahaan jireen Marxuumka C/Kaafi Hilowle si fiicana ay isku garanayeen isagoo tacsi sidoo kale udiray eheladii iyo Asxaabtii uu ka tagay C/Kaafi.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale uduceeyey shacab aan waxba galabsan oo shalay lagu dilay qaraxaasi ka dhacay agagaarka KM4 Muqdisho isagoo alle uga baryey kuwii dhintay inuu janada ka waraabiyo kuwa dhaawacmana caafimaad siiyo.

Halkaan ka dhageyso Codka Farmaajo oo ka hadlay weerarkii lagu dilay Marxuum C/Kaafi Hilowle Cusmaan
00:00
00:00

No comments:

Post a Comment